Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa galabta marti ku ahaa Barmaamijka la hadal Xisbigaaga ee Khamiis kasta ka Qabsooma xarunta Dhexe Ee Xisbiga Xaakimka Waddani

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa galabta marti ku ahaa Barmaamijka la hadal Xisbigaaga ee Khamiis kasta ka qabsooma Xarunta Dhexe ee xisbi xaakimka WADDANI.Barmaamijkan oo ay ka soo qayb galeen hoggaanka xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga ayaa wasiirku kula wadaagay waxqabadka wasaraadda Caddaaladda iyo qorsheyaasha mustaqbal, halka taageerayaasha xisbiguna waydiiyeen su’aalo ku qotama wixii caqabado u muuqda iyo talooyin wax ku ool ah.Barnaajimka la hadal xisbigaaga ee xisbiga WADDANI.