News and Latest information Waddani Party

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄.
Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan isagoo ku hadlaaya magaca Hoggaanka, Gudidda Fulinta, Golaha Dhexe iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga waxa uu TACSI tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka geeriyooday ALLE ha u raxmadee marxuum Xasan Saleebaan Nuur oo ku geeriyooday magaaladda Gebilay. Si gaar ah Guddoomiyuhu wuxuu u tacsiyeynayaa Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) oo marxuumku Aabihii ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Oday Qaran oo door muuqda ku lahaa halgankii dib u xoreynta Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Ugu dambayn Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka EEBBE uga baryey inuu u naxariisto, Samir iyo iimaan saadiq ahna kasiiyo ehelka, asxaabta iyo qaraabada uu ka baxay

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa galabta marti ku ahaa Barmaamijka la hadal Xisbigaaga ee Khamiis kasta ka qabsooma Xarunta Dhexe ee xisbi xaakimka WADDANI.Barmaamijkan oo ay ka soo qayb galeen hoggaanka xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga ayaa wasiirku kula wadaagay waxqabadka wasaraadda Caddaaladda iyo qorsheyaasha mustaqbal, halka taageerayaasha xisbiguna waydiiyeen su'aalo ku qotama wixii caqabado u muuqda iyo talooyin wax ku ool ah

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta xarunta xisbiga ku qaabilay siyaasi Maxamed Aadan Qabyatire oo booqasho ugu yimid.Hoggaamiye Maxamed Aadan Qabyatire waxa wehelinayay siyaasiyiin, dhallinyaro, haween iyo waxgarad kala duwan.Guddoomiyaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Maxamed Aadan Qabyatire iyo xubnaha wehelinayay, isaga oo uga mahadceliyey booqashadooda.Siyaasi Maxamed Aadan Qabyatire ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Guddoomiyaha soo-dhaweynta diirran ee uu ku qaabilay.

Komishineer Maxamuud Daahir Jaamac oo hore uga tirsanaa Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga WADDANI.

Type your paragraph here

waxqabadka xisbi xaakumka waddani ee xukumada wadajir iyo waxqabad

1. Dib-u-habeynta maamulka
• Magacaabista gole wasiirro iyo madax hay'ado cusub.
• Dib-u-habeyn lagu sameeyey qaabka maamulka hay'adaha dowladda.
• Dowladda ayaa sheegtay inay xoogga saartay isla xisaabtanka iyo tayeynta maamulka.



2. Amniga
• Sii wadista ilaalinta amniga gudaha.
• Isku dayo lagu xoojinayo wada shaqaynta ciidamada kala duwan.
• Dowladda ayaa sheegtay inay mudnaan siisay nabadda iyo xasilloonida.


Dhaqaalaha 
Dadaallo lagu kordhinayo dakhliga dowladda.Horumarinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.Wadahadallo lala yeeshay ganacsatada iyo hay'adaha caalamiga ah.

4. Arrimaha dibadda
Sii wadista ololaha aqoonsi raadinta Somaliland.Kulamo lala yeeshay dalal iyo ururro caalami ah.Xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed.

5. Kaabeyaasha dhaqaalahaQorshayaal lagu horumarinayo waddooyinka iyo adeegyada bulshada.Taageeridda mashaariicda biyaha iyo korontada meelaha qaarkood.

6. WaxbarashadaQorshayaal lagu horumarinayo tayada waxbarashada.Taageeridda jaamacadaha iyo dugsiyada iyadoo loo marayo siyaasado iyo miisaaniyad.7. CaafimaadkaHorumarinta adeegyada caafimaadka.Dadaallo lagu kordhinayo helitaanka dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka.8. Shaqo-abuurka dhalinyaradaBallanqaadyo iyo barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo shaqo-abuurka.Taageeridda ganacsiyada yaryar iyo hal-abuurka